Welcome to Looh Press! Your one stop shop for all Islamic & Somali Studies Books.

QAAMUUSKA AF SOOMAALIGA - Iyo Naxwaha Af Soomaaliga oo Kooban by Annarita Puglielli & Cabdalla Cumar Mansuur
[QORAAGA: Annarita Puglielli & Cabdalla Cumar Mansuur| GALKA: GAL GAL KHAFIIF | 971 BOG | Daabacaaddii 2aad 2017 | DAABACAY: Looh Press | Leicester, UK | ISBN: 978-1-912411-01-6 |]
£27.50

QAAMUUSKA
AF SOOMAALIGA

IYO NAXWAHA AF SOOMAALIGA OO KOOBAN

QORAAGA

Annarita Puglielli & Cabdalla Cumar Mansuur|

GALKA

GAL KHAFIIF | 971 BOG | Daabacaaddii 2aad 2017 |

DAABACAY

Looh Press | Leicester, UK |

ISBN

978-1-912411-01-6 |

QAAMUUS | SOOMAALI-SOOMAALI | MID KA MID AH QAAMUUSYADA UGU MUG WEEYN | 

WATA BARASHADA NAXWAHA AF SOOMAALIGA OO KOOBAN | UGU FIICAN |

KUN 1000 BOG / SAFXADOOD KU DHOW | AAD IYO AAD LOO BALAARIYAY |  

DAABACD QURXOON | WARQAD CAD | SI FIICAN LOO TIFATIRAY | DAABACAD 2AAD |

QUALITY PRINT | WHITE PAPER | ONE COLOUR FONT | CONTAINS SOMALI GRAMMAR  |

DETAILED DESCRIPTION

KU SAABSAN BUUGGA:
Qaamuuskan oo mirihiisu yahay hawl ay qabteen dad badan oo khubara ah, wuxuu waxtar weyn u leeyahay daraasaadka ereyada af Soomaaliga (Somali lexicography); wuxuu kaloo muhiim u yahay midaynta af Soomaaliga (Somali standardisation), maadaama afkan waqti aan fogayn uun noqday af qoran (1972). Waxaa qaamuuska dhammaadkiisa lagu lifaaqay sifayn kooban oo ku saabsan naxwaha af Soomaaliga, oo loogu talaggalay in uu waxtar u yeesho adeegsiga qaamuuska. Qaamuuskan, dabcan ma aha mid matalaya heerka kamadambeyska ahee loo sameeyn karo qaamuus af-soomaali, laakiin waxaan filaynaa in uu noqdo mid si wacan looga faa’idaysan karo mustaqbalka xagga diyaarinta qaamuusyo midkan ka baaxad weyn. Si kastaba ha ahaatee, qaamuuskan halka luqadeed qaabkiisa, markii laga eego xagga daraasaadka guud ee afafka Afrikada madow, waxaa la oran karaa in uu ka mid yahay qaamuusyada fara ku tiriska ah.      

 

Qaamuuska af Soomaaliga ee ay diyaariyeen labada bare ee ku xeeldheer af Soomaaliga, oo kala ah Baresare Cabdalla Cumar Mansuur iyo Annarita Puglielli, ayaa ah mid ka mid ah labada qaamuus ee ugu mug weyn dhinaca af Soomaaliga—micno iyo miisaan ahaanba. Qaamuuskan waxaa la soo saaray sannadkii 2012’da, kaas oo ku beegmay waqti la hadal hayey mashruucii midaynta af Soomaaliga. Mashruucaas oo dhalay akadeemiyaddii la magac baxday Akadeemiye-Goboleedka Af Soomaaliga. Mashruucaasi sidoo kale wuxuu dhaliyay amaba ka horreeyay qaamuuska la magac baxay Soo Maal: Qaamuus AfSoomaali. Qaamuuskaas oo laga soo xulay kuwii ka horreeyay, sida Qaamuuska Afsoomaaliga (1976) ee Yaasiin Cismaan Keenadiid; Ileeye Qaamuus (2004) ee Saalax Xaashi Carab; Ereykoobaha Afsoomaaliga (2008) ee Khaalid Cali Guul Warsame; iyo Qaamuuska Af Soomaaliga (2012) ee Annarita Puglielli & Cabdalla Cumar Mansuur.

 

Nasiibdarro, Qaamuuskani ma helin suuqii iyo qaabkii uu ku fidi lahaa ama ku gaari lahaa bulshada Soomaaliyeed ee daafaha dunida kala jooga. Iyadoo ay taasi jirto, qaamuuskani wuxuu helay magac dheer oo suurto galiyey in meel walba laga raadiyo, maadaama dadka ka shaqeeyey ay yihiin kuwo ku xeeldheer af Soomaaliga. Buuggan iyo kuwo la mid ah oo aan kor ku xusay ayaa noqday “Mar la arag”, kuwaas oo dhaliyey su’aalo nagu soo noqnoqda mar walba. Bulshada Soomaaliyeed ama inta daneeya af Soomaaliga, meel walba oo ay joogaan waa in ay helaan qaamuusyada ugu fudud, mug weyn, uguna micno badan. Waxaa la sheegaa in af Soomaaligu sii doorsoomayo, amaba astaamihii afafka baaba’a laga helayo.

 

Looh Press waxay hadda ku hawllan tahay in ay soo saarto qaamuusyo cusub iyo kuwii hore loo diyaariyeyba. Qaamuuska Af Soomaaliga ee Annarita iyo Cabdalla waxba kamaanan beddelin ee waa sidii uu hore ugu soo baxay. Laakiin waxaan ku xusnay galka hore qeeyb buugga ku xusan oo ah Naxwaha Af Soomaaliga oo kooban. Haddii uu akhristuhu rabo qodobka naxwaha oo intani ka faafaahsan, wuxuu ka heli karaa daabicidda Looh Press Barashada Naxwaha Af Soomaaliga oo ah buug aad iyo aad u faafaahsan, kaasoo ah daabacaaddii 2aad oo aan soo saarnay, oo ah mid ay wada qoreen Annarita Puglielli iyo Cabdalla Cumar Mansuur. Sidoo kale waxaan casriyeynay “tusmada” oo aan sii faafaahinnay. Waxaan daabacaaddii koowaad ka beddelnay mugga buugga oo ahaa mid aad mooddid in uu weynaa amaba dhib ku ahaa qofku in uu sitto ama gacan ku qaato. Galka waxaan u doorbidnay wax muujinaya afka iyo dhaqanka Soomaalida oo lagu garan karo buuggani in uu yahay qaamuus af Soomaali.

 

 

CUTUBYADA WAXAA KA MID AH:

FAALLADA DAABACAHA

GOGOLDHIG

1. Taariikh kooban oo ku saabsan qaamuuska

2. Habka uu u samaysanyahay qaamuusku

2.1 Ereyada qaamuuska iyo nidaamka loo taxay

2.2 Ereyada qaabkoodu isku midka yahay

2.3 Ereyga iyo qeexidda micnihiisa

2.4 Ereyada isku micnaha leh (variant)

3. Sifaynta erey naxweydyada kala duwan

3.1 Falalka

3.2 Falal gaar ah

3.3 Magacyada

 

EREYADA LA ISKU GAABIYAY

QAAMUUSKA

NAXWAHA AF SOOMAALIGA OO KOOBAN

1. Magacyada

1.1 Qaybaha magacyada

1.2 Astaamaha guud ee magacyada

2. Cayimayaasha (determiners)

2.1 Qodobbada

2.2 Dibkabayaasha tilmaamayaasha

2.3 Dibkabayaasha lahaanshaha

2.4 Dibkabayaasha weyddiinta

3. Magacuyaallada

3.1 Magacuyaallo qofeed ee ebyoon

3.2 Magacuyaallada qofeed ee dhimman

3.3 Koox kale oo ka mid ah magacuyaallada ebyoon

4. Falalka

4.1 Kooxaynta falalka

5. Qurubyada (particles)

5.1 Horyaalayaasha (prepositions)

5.2 Xiriiriyeyaal

5.3 Qurub diiradeedyada (focus marker)

5.4 Qurub weereedyo kala duwan

 

RAADRAAC

HOGATUSKA ISROGROGGA FALALKA

 

 

 

 

KU SAABSAN ANNARITA & CABDALLA:
ANNARITA PUGLIELLI maaddada cilmi-afeedka ayay bare sare ka ahayd Jaamacadda Roma 1 "La Sapienza", kaddib waxay u soo wareegtay Jaamacadda Roma Tre oo markaas la aasaasay. Waxay xubin ka ahayd Guddigii Farsamada ee u qaabilsanaa qaybta afafka ee Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed intii u dhexaysey sanadihii 1977 ilaa 1990. Waxay ku guulaysatay in Jaamacadda Roma Tre manhajkeeda uu ka mid noqdo maaddo u gaar ah afka iyo suugaanta Soomaaliyeed. Waxay isla jaamacaddaas gudaheeda ka hirgelisay dhismaha Xarunta Cilmibaarista Soomaaliyeed (Centro Studi Somali) oo iyadu ay madax ka tahay. Waxay soo saartay qoraallo fara badan oo ku saabsan af Soomaaliga, waxay kaloo madax ka ahayd soo saariddii laba qaamuus oo waaweyn oo af Soomaaliga ku saabsan oo kala ah: Qaamuus Soomaali-Talyaani (1985) iyo Qaamuus Talyaani-Soomaali (1998), "Barashada Naxwaha Af Soomaaliga" (1999, 2017).

 

Cabdala Cumar Mansur oo takhasuskiisu yahay cilmiga luqadaha iyo dhaqanka, wuxuu bare sare ka ahaa Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed muddadii u dhexaysay 1976-1990, gaar ahaan maaddada Kushitistigga ayuu ka dhigaayay kulliyaddii afafka. Isla muddadaas wuxuu madax ka ahaa waaxdii af Talyaaniga, halkaasoo ardayda jaamacadda soo gasha oo idil lagu diyaarin jirey inta aysan kulliyadaha kala duwan u kala gudbin. Wixii ka dambeeyay 1990kii dalka Talyaaniga ayuu u wareegey, halkaas ayuuna ka sii waday cilmibaaristii Soomaaliyeed, isagoo la shaqaynaaya aqoonyahannadii ay horay u wada haayeen hawshaas, ilaa haatanna sidii ayay u wada shaqeeyaan. Wuxuu xubin firfircoon ka yahay Xarunta Cilmibaarista Soomaaliyeed ee Roma. Jaamacadda Roma Tre ayuu dhowr iyo toban sano ka ahaa bare sare oo dhiga afafka Carabiga iyo Soomaaliga. Wuxuu qoray qoraallo badan oo ku saabsan afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed, sida "Barashada Naxwaha Af Soomaaliga" (1999, 2017), iyo "Taariikhda Afka iyo Bulshada Soomaaliyeed" (2009, 2016).

 


Reviews

Customers who bought this product also purchased

Currencies
Trusted Publishers

Adonis & Abbey Publishers

AGA (Akadeemiye-Goboleedka Af-So

al-Arabiyyah Lil Jami (Saudi)

al-Bushra (Karachi)

al-Dar al-'Alamiyyah (Cairo)

Al-Hidaayah (UK)

al-Jaffan & al-Jabi (Cyprus)

al-Madina Institute (USA)

al-Maktabat al-Asriyyah (Beirut)

al-Risalah al-'Alamiyyah (Beirut

al-Yamamah (Beirut-Syria)

AlJudai Research & Consultations

AMA Books (UK)

Amana Publications

Arwiqah (Jordan)

Asal Jet (Somaliland)

AWP & RSP (USA)

Azhar Academy (UK)

Beacon Books (UK)

Books - Publisher (Beirut)

Buuh Publications (UK)

Cambridge University Press (UK)

Createspace (Self Publishing)

Dar 'Aalim al-Kutub (Riyad)

Dar al-'Asimah (Saudi)

Dar al-Arqam (UK)

Dar al-Basha'ir al-Islamiyyah

Dar al-Dhakha'ir (Beirut)

Dar al-Dhiya'i (Kuwait)

Dar al-Falah

Dar al-Faqih (UAE)

Dar al-Farfur (Syria)

Dar al-Fathi (Jordan)

Dar al-Fayha (Syria-Beirut)

Dar al-Fikar (Beirut)

Dar al-Fikri (Syria-Lebanon)

Dar al-Hadith (Cairo)

Dar al-Hadith al-Kitaniyyah

Dar al-Hawi (Yemen)

Dar al-Ilm (Cairo)

Dar al-Imam Yusuf al-Nabhani

Dar al-Kutub al-Ilmiyyah

Dar al-Lubab (Turkey)

Dar al-Ma'rifah (Beirut)

Dar al-Ma'rifah (Syria)

Dar al-Minhaj (Jeddah)

Dar al-Mustafa (Syria)

Dar al-Nawadir (Kuwait)

Dar al-Nur al-Mubin (Jordan)

Dar al-Qalam (Syria)

Dar al-Sabuni (Cairo)

Dar al-Salam (Egypt)

Dar al-Salih (Egypt)

Dar al-Sami'i (Sa'udi)

Dar al-Siraj (al-Madinah)

Dar al-Taqwa (Syria)

Dar al-Taqwa (UK)

Dar al-Turath al-Islami (DTI)

Dar al-Yusur (Madinah, Saudi)

Dar as-Sunnah Publishers (UK)

Dar Ibn al-Jawzi (Saudi)

Dar Ibn Hazm (Beirut)

Dar Ibn Kathir (Syria-Beirut)

Dar Ihya al-Turath al-Arabi

Dar Nur as-Sabah (Syria)

Dar Tawq al-Najah (Lebanon/Saudi

Dar Zayla' (Egypt & Somalia)

Darussalam (Saudi)

Diini Publications

Fiqi Publishers (USA)

Fons Vitae (USA)

Galool (UK)

Garanuug (UK)

Gobaad Press (US)

Goodword Books

HAAN Associates Publishing

Hal-Aqoon Publishers (Somaliland

Hurst Publishers (UK)

Iftiinka Aqoonta (Sweden)

IIIT (USA)

IIPH (Saudi)

Indiana University Press (USA)

Islamic Book Trust - IBT

Islamic Foundation (UK)

Islamic Text Society - ITS (UK)

Islamic Village (UK)

Islamosaic (US)

Kasmo Publishing (UK)

Kube Publishing (UK)

Looh Press (UK)

Madbacadda Iftiinka Aqoonta (Swe

Madinah Press (UK)

Maktaba Ma'ariful Quran (Karachi

Maktabah Ma'arif al-Qur'an (Paki

Maktabat al-Matbuat al-Islamiyya

Maktabat al-Rushd (Saudi)

Maktabat Dar al-Fajri (Syria)

Maktabat Dar al-Falah (Syria)

Markaz al-Furqan liTa'lim al-Qur

Mihrab Publishing (UK)

Mu'assassat al-Risalah

Muhamaddan Press (Singapore)

Muslims at Work (South Africa)

Oneworld Publications (UK)

Other (University Press)

Other Publishers

Other Publishers; (Beirut)

Other Publishers; (Egypt)

Other Publishers; (Middle East)

Other Publishers; (Saudi)

Other Publishers; (Somalia)

Other Publishers; (Syria)

Other Publishers; (UK)

Other Publishers; (USA)

Oxford University Press (UK)

Ponte Invisibile (Italy)

Saad Suuban (Saudi)

Sagal Jet (Somaliland)

Sunni Publications (Holland)

SUNY PRESS (USA)

Ta-Ha Publishers (UK)

The Horn Publisher (UK)

Tsehai Publishers (US)

Tughra Books (USA)

Turath Publishing (UK)

UK Islamic Academy

Visions of Reality (UK)

Wasila Press (Canada)

Weekend Learning Publishers (USA

White Thread Press

Xildhibaan Publication (UK)

Zam Zam Publishers (Pakistan)

Zayla Publishers (Somalia)

Authors
Popular Text Books
Af Soomaali (Laga Barto)
AQIDA- al-Nasafiyyah
AQIDA- al-Tahawiyyah
AQIDA- Aqidat al-'Awam
AQIDA- Fiqh al-Akbar (Abu Hanifa
AQIDA- Jawharat al-Tawheed
AQIDAT- Shu'ab al-Imam - al-Bayh
ARABIC- 'Arabiyyah Bayna Yadayk
ARABIC- al-Qa'idah al-Nuraniyyah
DU'A- al-Adhkar (Nawawi)
FIQH- Abi Shuja' (Matn al-Ghayah
FIQH- al-'Ashmawiyyah (Maliki)
FIQH- al-Fiqh al-Manhaji 'ala Ma
FIQH- al-Hidayah Sharh Bidayatil
FIQH- al-Muhadhdhab (al-Shayrazi
FIQH- al-Muhalla (Ibn Hazm)
FIQH- al-Mukhtar lil Fatawa (Han
FIQH- al-Muqni' (Hanbali)
FIQH- al-Risalah al-Jami'ah
FIQH- al-Umdah fi'l Fiqh Hanbali
FIQH- al-Umm (Imam Shafi'i)
FIQH- al-Yaqut al-Nafis fi Madha
FIQH- Bidayat al-Mujtahid
FIQH- Kanz al-Daqa'iq (Hanafi Fi
FIQH- Minhaj al-Talibin
FIQH- Mukhtasar al-Quduri
FIQH- Mukhtasar Khalil (Maliki)
FIQH- Muntaqa al-Akhbar
FIQH- Muqadimat al-Hadramiyyah
FIQH- Nur al-Idah
FIQH- Rawdhat al-Talibin
FIQH- Risalah al-Qayrawani (Mali
FIQH- Safinat al-Naja
FIQH- Safinat al-Salah
FIQH- Safwat al-Zubad
FIQH- Sharh al-Sunnah (al-Baghaw
FIQH- Umdat al-Salik
HADITH- al-Adab al-Mufrad
HADITH- al-Arba'in an-Nawawi
HADITH- Alfiyyat (al-Iraqi)
HADITH- Alfiyyat (Suyuti)
HADITH- Bulugh al-Maram
HADITH- Manzumat al-Bayquniyyah
HADITH- Mishkat al-Masabih
HADITH- Muqaddimat Ibn al-Salah
HADITH- Nihayat fi Gharib al-Had
HADITH- Nukhbat al-Fikar
HADITH- Riyadh al-Salihin
HADITH- Tadrib al-Rawi
HADITH- Umdat al-Ahkam
LUGHAH- al-'Awamil al-Jurjaniyya
LUGHAH- al-Ajurrumiyyah
LUGHAH- al-Qamus al-Muhit
LUGHAH- Alfiyyat Ibn Malik
LUGHAH- Lamiyat al-Af'al
LUGHAH- Maqamat al-Hariri
LUGHAH- Qatr al-Nada
LUGHAH- Shudhur al-Dhahab
LUGHAH- Tasrif al-'Izzi
QUR'AN- al-Itqan fi 'Ulum al-Qur
QUR'AN- al-Tibyan fi Adab Hamala
QUR'AN- Asbab al-Nuzul
QUR'AN- Hirz al-Amani (Qira'at)
QUR'AN- Mushaf Tajwid
SIRA- al-Shama'il al-Muhammadiya
SIRA- al-Shifa bi Huquq al-Musta
SIRA- Minhaj al-Wusul ila 'Ilm a
SIRA- Nur al-Yaqiin fi Sirat Say
SIRA- Qasida al-Burda
SIRA- Wasa'il al-Wusul ila Shama
SULUK- al-Hikam al-'Atta'iyyah
SULUK- al-Risalah al-Qushayriyya
SULUK- Bidayat al-Hidayah (al-Gh
SULUK- Ihya 'Ulum al-Deen
SULUK- Minhaj al-'Abadin
SUNAN- Abi Dawud
SUNAN- Ad-Darimi
SUNAN- al-Bayhaqi
SUNAN- al-Bukhari
SUNAN- al-Muwatta'
SUNAN- al-Nasa'i
SUNAN- al-Tirmidhi
SUNAN- Ibn Majah
SUNAN- Muslim
SUNAN- Musnad Abi Hanifah
SUNAN- Musnad Ahmed
SUNAN- Musnad al-Shafi'i
Tafsir- al-Baghawi
Tafsir- al-Baydhawi
Tafsir- al-Jalalayn
Tafsir- al-Nasafi
Tafsir- al-Zamakhshari Kashshaf
Tafsir- Ibn 'Ashur
Tafsir- Ibn Kathir
Tafsir- Safwat al-Tafasir SABUNI
Tafsir- Tabari
TARAJIM- Tahdhib al-Kamal fi Asm
TARAJIM- Tahdhib al-Tahdhib
TARIKH- al-Bidayah wa'l Nihaya
TARIKH- al-Rihla (Ibn Batuta Tra
TARIKH- Futuh al-Habasha
Taxanaha ARDAA (Galool)
USUL- al-Ashbah wal Nadhair
USUL- al-Luma' fi Usul al-Fiqh
USUL- al-Mahsul fi 'Ilm Usul al-
USUL- al-Mannar fi Usul al-Fiqh
USUL- al-Waraqat
USUL- Jam' al-Jawami'
USUL- Minhaj al-Wusul ila 'Ilm a
USUL- Usul al-Shashi
Weekend Learning Series
More From This Publisher
More From This Author
Social Networking
paypal